Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Masar oo weli ku dhegan Markabkii lixda Maalmood xanibay Kanaalka Suweys

Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira ayaa diidday dalab ka yimid milkiilaha markabkii bishii Maarso ee sanadkan ku xannibmay kanaalka Suweys, kaasoo uu ku dalbanayo in la sii daayo markabka oo weli ay gacanta ku heyso dowladda Masaarida.

Milkiilaha Markabka Ever Given ayaa doonaya in la sii daayo markabkiisa oo u xayiran Maamulka Marinka Suweys oo ku doonaya in magdhow laga siiyo lixdii maalmood ee uu markabku xannibay kanaalkaas.

Maamulka ayaa doonaya in markabka la sii hayo ilaa la bixiyo lacagta magdhowga.

Wuxuu maamulka kanaalka Suweys ka doonayaa maamulaha markabka Ever Given, Shoei Kisen inuu magdhow ahaan u siiyo lacag dhan $916m

Lacagta magdhowga ayuu Maammulku sheegay in laga bixinayo kharashkii ku baxay samatabixinta markabka, khasaarihii uu sababay iyo Maraakiibtii ka weecatay kanaalka mudadii lixda maalmood aheyd ee uu halkaas ku xanibnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Banaan bax maanta ka dhacay Albaabka laga galo xarunta Madaxtooyada (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo lagu shubay dhiig badan oo Itoobiyaan ah iyo danta laga lahaa!

Cabdi Cade

Qoor Qoor oo telfoon kula soo hadlay Rooble & Xasan Sheekh oo Dacwad ka gudbiyay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---