Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaare Rooble & wafdi uu horkacayo oo ku wajahan dalka Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta wajahan dalka Imaaraadka Carabta, kaddib martiqaad rasmi ah uu ka helay dowladda wadankaas.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Imaaraadka ayaa noqonaya kii u horreeyay oo Mas’uul heerkiisu sareeyo oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda ku tago dalkaas, tan iyo sanadkii 2018 uu xumaaday xiriirka labada dal

Mugdiga ku yimid xiriirka labada dal ayaa ka dhashay dhacdadii Ciidamada Amniga kula wareegeen lacag mallaayin dollar ah oo u socotay Safaaradda Imaaraadka taasoo laga dejiyey garoonka dayuuradaha Aadan cadde.

Rooble ayaa dhowaan Imaaraadka Carabta ka raalli geliyay dhacdadan, isagoo balanqaaday in dib loogu celin doono lacagta lagala wareegay April sanadkii 2018, inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu ka soo horjeestay talaabadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saddex Madaxweyne oo loo xil saaray in ay xaliyaan Khilaafka u dhaxeeya DF iyo Puntland

Cabdi Cade

Tirada dadka qaba COVID-19 ee gudaha Soomaaliya oo 800 kor u dhaaftay

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo arrimo xasaasi ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---