Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu horkacayo oo goor dhow dalka ka ambabaxay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa ku sii jeeda dalka Jabuuti oo ay uga qayb galayaan caleemo-saarka Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhowaan markii shanaad loo doortay xilka sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska RW Rooble.

Wafdiga RW Rooble oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan DF ayaa inta ay joogaan Jabuuti waxay kulamo la qaadan doonaan madaxda dalkaas iyo hogaamiyeyaasha Afrika ee lagu casuumay caleemo saarka.

Rooble iyo wafdi la socda ayaa maalmo ka hor ka soo laabtay safar cumro ah oo ay ku tageen dalka Sacuudiga, waxaana safarka Jabuuti uu noqonayaa kii labaad ee uu dibeda ku aado bil gudaheed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanno ka qeyb-galay furitaanka Kulan Cafe ee Magaalada Nairobi+Sawiro

admin

Xildhibaanno yar oo saf u galay soo dhaweynta Aadan Madoobe (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin si xeeladaysan dad badan u laayey si Suuq loogu helo naxashka Meydadka lagu aaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---