Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Farmaajo oo la kulmay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Kampala

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda ayaa ku dhiirrigeliyey dadaalka ay ugu jiraan horumarinta naftooda iyo hamiga ay u hayaan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda dadaallada ay dowladdu ku bixisay kor u qaadidda adeegyada waxbarashada dalkeenna, iyada oo la mideeyey manhajka Qaranka, dibna loo soo celiyey waxbarashadii aasaasiga ahayd.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay Guddoonka Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda warbixin ku saabsan fursadaha iyo tayada waxbarasho ee dalkaas, caqabadaha iyo talooyin ay qabaan guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Uganda.

Sidookale, Guddoomiyaha Midowga Ardayda Soomaliyeed ee Dalka Uganda Mudane Cabdimaajid jaabir Salaad ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida Dowladda ay uga go’an tahay baahinta adeegyada waxbarashada dalka, waxa ayna soo bandhigeen in ay ka go’an tahay horumarinta iyo dib u dhiska dalkeenna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sheegay iney dacwad Musuq ku soo oogeen 20 Masuul

Caydiid Ali

Golaha Wakiillada Galmudug oo maanta ansixiyay Saddex degmo oo cusub (Sawirro)

Cabdi Cade

Siyaasi caan ah oo Madaxweynaha ka dalbaday in uu sharaxo Sababo loo aamini karo Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---