(Daawo Sawirro) Qoor-qoor oo dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowaladda  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhusamareb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamanka Galmudug Mudane Cabdullahi Xirsi, qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada galmudug, Maamulka Caasimadda iyo masuuliyiin kale.

Qoor-qoor oo ayaa in muddo ah ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isagoo qeyb kaga qeyb galay shirar iyo kulamo kala duwan oo xal loogu raadinayey khilaafka ka dhashay doorashada iyo muddo kororsigii qalalaasaha abuuray ee markii dambe dowladu ka laabatay.

Madaxweynaha Galmudug iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa ciida ka dib iman doona Magaalada Muqdisho, iyagoo ka qeyb galaya shirka wadatashiga ee uu iskugu yeeray RW Rooble kaasoo looga hadlayo dhaqaajinta arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -