Gen. Xijaar oo amar cusub siiyey ciidanka Booliska ee ka howlgala Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa soo saaray amar ku socda ciidamada Booliska.

Amarkan ayaa ciidamada Booliska lagu faray dhammaantood inay ku ekaadaan shaqadooda oo ah amniga muwaadiniinta iyo hantidooda, si fiicana ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa soo baxday, iyadoo weli uu mugdi ka jiro cidda ay hoos tagaan hoggaannada ciidamada, kadib markii Ra’isal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta lagu wareejiyey maamulka doorashada iyo Amniga.

Ciidamada Booliska ee sida gaarka u tababarran loona yaqaan (Haramcad) ayaa soo hoos gelaya amarlan, iyadoo ciidamadaasi ay toos uga amar qaataan Villa Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -