Soomaalida kunool Nairobi oo si weyn uga carooday hadal kasoo yeeray Kimani Wamatangi

Soomaalida kunool xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa si weyn uga carooday hadal kasoo yeeray Senatar katirsan Baarlamaanka Kenya oo sheegay in xaafada Islii ee Soomaalidu ku badan tahay lagu iibiyo hubka sharci darada ah.

Senator Kimani Wamatangi ayaa Warbaahinta dalka Kenya ka sheegay in xaafada Islii khatar amni ku tahay guud ahaan dalka Kenya, waxa uuna sheegay in xaafadaasi hubka lagu iibiyo lagana soo abaabulo falalka amaan daro.

Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji oo katirsan tahay xaafada Islii Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi, ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray siyaasiga waxa uuna ugu baaqay in warkaasi ka bixiyo raali gelin.

“Waxaan ka codsanay ninkaas Sanatarka ah inuu si degdeg ah raalin galin uga bixiyo edayntaasi beenta ah ee uu xaafadda Islii ka sheegay , aad ayaan uga caroonay warkaasi aan waxba ka jirin” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xasan.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay jiraan dad aaminsan fikrado khaldan oo la xiriira in dadka Soomaaliyeed ay ku lug leeyihiin falal isugu jira burcadnimo, argagixisnimo iyo musuq-maasuq. Wuxuu kaloo sheegay in dadka qaarkood ay ka xunyihiin horumarka dhanka ganacsiga ay ka sameeyeen dadka Soomaalida ah.

Soomaalida kunool dalka Kenya gaar ahaan xaafada Islii ayaa halkaasi ka sameestay ganacsiyo waa weyn, waxaana Soomaalida kunool Islii marar badan lagu eedeeyay in amaanka Kenya Khatar ku yihiin inkastoo warkaasi iska diideen Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -