Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble oo War ka soo saaray arrimaha doorashada iyo amniga lagu wareejiyey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda in uu wareejiyay mas’uuliyadda  doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Shacabka uga mahadceliyay in sida ay u tixgeliyeen codsigii madaxweynaha ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September, ayaa sheegay in xukuumaddu soo bandhigi doonto qorshaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha guud ee Amniga Qaranka.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in uu dhawaan ku casuumi doono madaxda dowlad-goboleedyada in ay ka soo qeyb galaan shirka Madasha Qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Ciidammada Qaranku in ay ku laabtaan xeryohoodii oo aysan ku milmin siyaasadda, isagoo ugu baaqay siyaasiyiintuna in ay ka fogaadaan hadal ama ficil kasta oo aan caawineyn xasilloonida dalka iyo wadajirka shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

UNSOM oo balan-qaadyo u sameysay Gudoomiye Madaale iyo Maamulkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Ilhaan Cumar oo Biden ku eedeysey inuu ka baxay balan uu horey u qaaday

Caydiid Ali

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay hogaamiyaha RSF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---