RW Rooble: “Marna lama aqbali karo fool xumadii ka dhacday Garoonka Aadan cadde”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha  Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd.

Dhinaca kale, Wasiirka amniga DF Xasan Xundubey ayaa sheegay iney talaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo ku yeelata shaqaaqadaas.

Anaga oo fulineyna amarka madaxweynaha iyo kan ra’iisal wasaaraha waxaan talaabo sharci ah ka qaadi doon cid walba oo ay ku cadaato in ay qeyb ka aheyd shaqaaqadii ka dhacday garoonka”ayuu yiri wasiirka

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay gacan ka hadal u dhexeeyay shaqaalaha laanta socdaalka iyo ciidamada Nabad-Sugidda.

Isku dhacaan oo aan xabad la isku adeegsan ayaa wuxuu mudda kooban hakiyay shaqadii waaxda socdaalka ee garoonka, waxaana lagu dhaawacay shaqaale ka tirsanaa waaxda socdaalka.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacan uu ka dambeeyay markii shalay dad ajnabi ah oo garoonka ka soo degay ay Waaxda Socdaalka ku hakisay qeybta hubinta waxaana arrintaas soo fara geliyey shaqaale ka tirsan Nabad sugida taasoo sababtay in labada dhinac ay ku murmaan ugu dambeyna uu dhexmaro gacan ka hadal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -