Allbanaadir.com
NEWS

Dhaqtar Caan ka ah Muqdisho oo goordhaw la dilay iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw xaafada Al Baraka ee degmada Hodan lagu dilay Allaha u naxariistee Dr Xasan Cismaan Ciise Dr Buurane, oo  kamid ahaa Dhaqaatiirta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.

Sida aan wararka ku helnay dilka Dhaqtar Buurane waxaa fuliyay kooxo biskoolado ku hubeesan kuwaa oo ku toogtay banaanka gurigiisa, kooxdii dilka fulisay ayaana si deg deg ah goobta uga baxsatay.

Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida gobolka Banaadir ayaa dilka kadib goobta gaaray, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan wali la shaacin natiijada kasoo baxday.

Dr Buurane ayaa kamid ahaa dhaqaatiirta magaalada Muqdisho kuwooda ugu caansan, waxa uuna dhaqtarkan xarun caafimaad ku lahaa kasoo horjeedka Baar Ceynu Shamsi oo kuyaala degmada Hodan, waxa uuna ku takhasusay cudurarada ku dhaca Maqaarka.

Wali lama oga sababta keentay dilka saakay magaalada Muqdisho loogu geestay Dr Buurane, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilkan oo si weyn uga argagaxeen dad badan oo aqoon u lahaa dhaqtarka.

Magaalada Muqdisho waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dilal qorsheesan iyo kuwa ay sababaeen madaafiic madaxtooyada lagu soo tuuray, waxaana dilalkan dhacayaan xili ciidamada amaanka magaalada howlgalo ka wadaan.

 

Related posts

Nin Tv-ga Qaranka sheegeen in uu ahaa Horjooge katirsan Al Shabaab oo…

Cabdi Cade

Raisul Wasaaraha Soomaaliya oo weli kulamo kala duwan ka wada Washington

Caydiid Ali

Taliska Xoogga dalka oo war ka soo saaray dagaalkii saaka ka dhacay Mesegawaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---