Dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhacay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dagaal gacmaha la iskula tagay oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan hay’adad Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka iyo shaqaale katirsan Hay’adad Socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in gacan ka hadalka uu ka dhacay qeybta lagu hubiyo dadka dibadda ka yimaada, waxaana labada dhinac la sheegay in uu soo kala dhax galay is fahmi waa sababay in gacmaha iskula tagaan.

Dagaalka gacmaha iskula tageen ciidamada NISA iyo shaqaalaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa waxaa ka dhashay bur bur soo gaaray miyaaradaha garoonka iyo sidoo kale qalab kale oo lagu shaqeenayay.

Wali lama oga waxa uu salka ku hayo gacan ka hadalkan garoonka Aadan Cadde ku dhax maray ciidamada NISA katirsan iyo shaqaalaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha , waxaana gacan ka hadalkan si weyn looga dareemay garoonka.

Saraakiil katirsan Hay’adda NISA iyo hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa goordhaw gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si ay xal ugu raadiyaan dagaalka gacan ka hadalka sidoo kale baaris ugu sameeyaan waxii sababay.

Dad badan oo garoonka kasoo degay oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaaniib taagnaa qeybta hubinta ayey layaab ku noqotay waxa garoonka ka dhacay, waxa ayna dadkan iyaga oo ka niyad jabsan waxa dhacay kasoo baxeen gudaha garoonka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -