Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo dhambaal tacsi ah u dirtay shacabka & dowlada Masar

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo Dadka aanu walaalaha nahay ee Masar kadib shil tareen oo dhimasho iyo dhaawac sababay.

Tareenka ayaa ka baxay dhabbihiisa meel ku dhow boosteejada Toukh ee gobolka Al Qalyubia ee waqooyiga Magaalada Cairo, shalay gelinkii dambe oo Axad ahayd.

“Soomaaliya waxa ay muujineysaa sida ay u garab taagan tahay Masar si ay uga gudubto saameynta masiibadan weyn, iyadoo u rajeynaysa dadka geeriyooday inuu Allah u naxariisto, kuwa dhaawacmayna caafimaad degdeg ah ugu deeqo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelladooda, qaraabadooda iyo inta jecel” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hadal heyn ka dhalatay Xil Dowlada u magacawday Maxamed Xaashi Carabey

Cabdi Cade

Putin oo aan ka qeyb geleyn aaska Mikhail Gorbachev iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Xamse Barre oo sheegay in xukuumadiisu soo nooleyneyso afar arrimood (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---