Dagaal culus oo Maalintii 2aad ka socda Dhabar-dalool & Puntland War ka soo saartay

Dagaal ayaa saaka waaberigii mar kale ka qarxay degaanka Ceelka Dhabar-dalool oo dhaca degmada Xudun ee gobolka Sool kaasoo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed sida ay sheegayaan wararka hallkaas naga soo gaaraya.

Warka ayaa intaas ku daraya in dagaalkan maalintii labaad galay uu ku bilaabmay saaka si goos goos ah, iyadoo mararka qaarkood laysu adeegsanayo hubka waaweyn.

Isgaarsiinta goobta dagaalku ka socdo ayaa ah mid ciriiri ah, taasoo adkeysay in la helo qasaaraha dhabta ah ee dagaalku sababay, waxaana jira ilo wareedyo sheegaya in dad badan ay ku dhinteen, qaar kalena ku dhaawacmeen.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa xalay baaq nabadeed ka soo saaray, colaad beeleedkan ka taagan degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan Gobolka Sool.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa qoraal uu soo saaray ku baaqay in shuruud la’aan lagu joojiyo colaadda ka aloosan Dhabar-dalool, islamarkaana labada dhinac ay nabadda ka shaqeeyaan.

“Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay degaanka Dhabar Dalool ee gobolka Sool inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan gulufka colaadeed ee ka taagan halkaas, lagana wada shaqayeeyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatada soo noq-noqotay ee sababtay dhimashada iyo dhawaaca.” ayaa qoraalka lagu yiri.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay, iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan in la daadiyo dhiig qof Muslim ah oo sooman.

“Waa wax aad looga xumaado in iyadoo lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan la daadiyo dhiig qof Muslim ah oo sooman, taasoo ka baxsan diinteena suuban.” ayuu sii raaciyay.

Isimada iyo Culimada degaanka ayuu sidoo kale ku boorriyay, in loo istaago joojinta colaadda u dhexaysa labada beelood, oo marar kala duwan ka dhacday halkaas, salkana ku heysa aano qabiil oo muddo dheer soo jiitamysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -