Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda Qoor-qoor, Guudlaawe & Musharaxiinta

Madaxda labada dowlad goboleed ee Galmudug, Hirshabelle iyo Xubnaha Midowga Musharraxiinta ayaa caawa waxaa uu shir uga socdaa magaalada Muqdisho

Kulankan oo ka dhacaya hoyga Madaxweyne Qoorqoor ayaa ahaa mid horay labada dhinac ugu balameen, markii shirar gaar ah yeesheen, iyadoo looga hadlayo sida loo wajahayo muddo kororsiga Farmaajo.

Waxaa la filayaa inay si wadajir ah go’aan uga gaaraan arrinta muddo kordhinta oo muran badan iyo xasaasiyad ka dhalisay Soomaalida.

Labada Maamul ee Galmudug iyo Hirshabelle ayaa laga filayaa inay si cad u diidaan muddo kororsiga, kaddib markii warqad laga qoray Madaxtooyada oo taageero looga muujinayey muddo kororsiga, looga been abuurtay Galmudug, Hirshabellena laga dhaadhiciyey iney aqbasho.

iyadoo horeyba ay muddo kororsiga u diidanayeen Jubbaland iyo Puntland ayaa haddii ay ku biiraan Galmudug iyo Hirshabelle, waxay wiiqi doontaa muddo kororsiga uu ku taamayo Farmaajo, waxaana taageerada muddo kororsiga ku soo hari doona oo kaliya Maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -