Maxaa ka jira in Wadahadal lagu dhameeyay xiisadii u dhaxeesay Ciidamada Saadaq Joon iyo kuwa Dowlada ?

Waxaa xalay xiisad dagaal laga dareemay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan aaga xaafada Shiirkole ,kadib markii halkaasi gaareen ciidamo iska soo horjeeda.

Ciidamo badan oo ka amar qaata taliyihii hore ee Booliiska gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa xalay fariisimo ka dhigtay xaafada Shiirkole, waxaana aagaasi sidoo kale gaaray ciidamo ka amar qaata dowlada oo la sheegay in weerar yihiin.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in wadahadal lagu dhameeyay sidii loo qaboojin lahaa xiisadii xalay ayna gacan ka geesteen Raisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa beeniyay in wadahadal lagu dhameeyay xiisada u dhaxeysa ciidamada ka amar qaata Saadaq Joon iyo kuwa dowlada, waxa uuna tilmaamay in Farmaajo iyo kooxdiisa tabarta u deyrisay.

“”Duulaankii Farmaajo iyo kooxdiisu xalay ku soo qaadeen xaafada Shiirkole wada hadal laguma dhamaynin ee tabar ayaa u deyrisay. Kuwa leh waanwaan iyo wadahadal ayaan wax ku dhamaynay waa koox Farmaajo u shaqaysa oo guushiina xaqiraya, goobayana ceebta Farmaajo xalay ku dhacday sidii ay uga mayri lahaayeen. Farmaajo isagaa laga waayay walaalow sharciga iyo dowladnimada dhowr, qabqabta iyo colaada aad hurinaysana jooji. Lkn waxaan cod dheer ugu sheegaynaa wixii aad ka hesho waxaba hanaga siinin.” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaana saakay ah mid degan , waxaana lakala qaaday ciidamadii laga cabsi qabay in ay ku dagaalamaan xaafado katirsan degmada Hodan, mana jiro ilaa hada wax heshiis ah oo gaareen labada dhinac ee xiisadu u dhaxeyso.

- Advertisement -