Dagaalo qaraar oo ka dhex qarxay Ciidamada Eritrea iyo kuwa Jabhada TPLF

Dagaal u dhexeeyay ciidamada Eritrea iyo ciidamada fallaagada Tigray ee TPLF ayaa ka dhacay xadka Eritrea.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanada Rama iyo dhulka lagu muransan yahay ee Badme oo ku yaalla xadka labada dhinac

Wararka waxay sheegayaan in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka culus oo ay kamid yihiin madaafiic, lamana oga khasaaraha dagaalkan, waxaana aad u yar wararka madaxa banaan ee laga helayo jiidaha dagaalka.

Dowladda Itoobiyaa iyo fallaagada Tigray waxay sheegeen inay isku diyaarinayaan dagaal ka dib markii ay qabsoomi waayeen wadahadalo ay garwadeen ka ahaayeen QM iyo midowga Afrika.

 

- Advertisement -