Maxaa ka jira iney Israel weerartay Xarunta Nukliyeerka Iran ee Natanz? (Sawirro)

Shil ka dhacay xarunta Nukliyeerka Iran ee Natanz ayaa waxaa sababay ficil argagixisanimo nukliyeer ah, waxaa sidaas sheegay madaxda Nukliyeerka Iran Ali Akbar Salehi.

Salehi ayaa intaas ku daray in Tehran ay xaq u leedahay inay qaaddo ficil ka dhan ah kuwa fuliyey weerarka.

Raadiyaha Kan ee Israel, ayaa kasoo xigtay ilo-wareedyo sirdoon oo aan la shaacin dhalashadooda, in sirdoonka Israel ee Mossad ay fuliyeen weerar dhanka Internet-ka ah oo lagu qaaday xarunta.

Goor sii horreysay oo Axaddii ah, afhayeenka Ururka Tamarta Atoomika ee Iran (AEOI) ayaa sheegay in waxyeello gaartay shabakadda korontada ee xarunta Natanz ay sababtay shilka.

Behrouz Kamalvandi, ayaa sheegay in wax khasaare ah aysan ka dhalan dhacdadan. Warbaahinta Iran ayaa goor dambe sheegay in Kamalvandi uu dhaawac soo gaaray isaga oo booqanaya xarunta, islamarkaana lug ay ka jabtay, madaxana uu dhaawac ka gaaray.

Xaruntan oo ku taalla saxaraha gobolka bartamaha ee Isfahan ayaa xudun ah barnaamijka kobcinta uranium-ka ee Iran, waxaana kormeera hay’adda caalamiga ee tamarta atoomika ee IAEA, oo hoostagta QM.

Israel oo Iran ku eedeysay inay isku dayeyso inay dhisto hub nukliyeer ah, ayaan wax faallo ah ka bixin dhacadan oo  timid maalin kadib markii Tehran oo beenisay inay sameysaneyo hub Nukliyeer ah ay xarunta Natanz ka billowday kobcin horumarsan oo uranium ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -