Puntland oo sheegtay iney gacanta ku dhigtay rag Gaalkacyo ku dilay Sarkaal

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen kooxihii ka dambeeyay dil habeen ka hor magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sarkaal ka tirsanaa laanta dambi baarista gobolka Mudug.

Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa intaa ku daray in ciidamada ammaanka ay weli baaritaano ka wadaan xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha oo xalay shir jaraaid ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa waalidiinta Gobolka ka codsaday inay laamaha Amniga la soo xiriiraan, haddii ay carruurtooda uga shakiyaan Al-shabaab ama burcadnimo.

Sidoo kale Guddoomiyaha, ayaa sheegay in Puntland  ay baaritaan ku samayn doonto carruurtaas, kadibna ay natiijada baaritaankaas waalidkood la wadaagi doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -