Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug oo la isku keenay iyo Is afgarad la gaaray

Waxaa xalay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeeshay Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug Siciid Deni iyo Axmed Qoor Qoor, kuwaa oo khilaaf u dhaxeeyay bilooyinkii lasoo dhaafay .

Kulanka labadan Madaxweyne waxaa soo abaabulay gacana ka geestay Xildhibaano iyo Senataro kasoo kala jeeda deegaanada Puntland iyo Galmudug, kuwaa oo ugu dambeyn isku keenay labada Madaxweyne.

Kulanka albaabada ui xirnaayeen ayaa dhax maray xalay Madaxweyne Debni iyo Qoor Qoor, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen sidii meesha looga saari lahaa khilaaf iyo mad madow soo kala dhax galay labada dhinac.

Sida aan wararka ku helnay labada dhinac ayaa isku afgartay in kulamo kale yeeshaan la iskuna soo dhawaado, waxa ay sidoo kale isla qaateen in la hirgaliyo heshiisyo ay horey u gaareen Deni iyo Qoor Qoor.

Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa khilaaf hoose soo kala dhax galay, waxa uuna khilaafka gaaray heer warbaahinta la iska dhaliilo laguna soo bandhigo balan ka baxyo iyo warar kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -