Sacuudiga oo ka hadlay xaalada Boqor Salman oo maalmo ka hor maray Qaliin

Wakaalada wararka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in lagu guulaystay qalliin lagu sameeyay Boqorka dalkaas Salman Bin-C/casiis oo maalmo ka hor la dhigay Isbitaal ku yaalla dalkaas

Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa intaa ku dartay in boqorka qalliin looga sameeyay Kaadi-haysta isla markana uu muddo isbitaalka ku sii jiri doono inta laga hubinayo xaaladiisa.

Toddobaadkan ayay ahayd markii Isbtaalka la dhigay boqor Salman ka dib markii uu xanuun ku soo booday, wararka qaar ayaana sheegaya in qalliinka boqorka looga saaray xameetida.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa waxay sheegeen in dhakhaatiirta ay ku taliyeen in boqor Salmaan uu isbitaalka ku sii jiro.

Boqor Salmaan oo 82 jir ah ayaa boqortooyada Sacuudiga xukumayay tan 2015 inkastoo sanadahan dambe uu shaqada boqortooyada kala waday wiilkiisa Mohamed Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha boqortooyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -