Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay

Ilaah ha u naxariistee waxaa dalka Turkiga ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi oo katirsanaa golaha guurtida Somaliland , Xildhibaanka ayaana la sheegay in dalkaasi ugu geeriyooday xanuun hayay.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal tacsi ah u diray, golaha Baarlamaanka gaar ahaan golaha guurtida, qoyska,  qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay  Xildhibaanka.

Muuse Biixi ayaa marxuumka ku sifeeyey xildhibaan ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii Somaliland, xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland.

Ugu Dambeyn Madaxweyne Biixi ayaa marxuumka ALLE uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha Baarlamaanka, qoyska,  iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -