Midowga Yurub oo hakiyey dhaqaalihii uu tooska u siin jiray dowlada Somalia

Sida uu daabacay Wargeyska dhaqaalaha ka faallooda ee The Economist Midowga Yurub ayaa jaray si KMG ah dhaqaalihii tooska ahaa ee uu siin jiray dowlada Soomaaliya.

Lacagta oo lagu kabi jiray miisaaniyada dowladda ayaa la billaabay sanadkii 2018, ayada oo wixii markaas ka horeeyeey la marsiin jiray hay’adaha iyo ururada aan dowliga aheyn ee mashaariicda ka wada Somalia qeybo ka mid ah.

The Economist ayaa sheegay in Midowga Yurub uu u hakiyey dhaqaalahaas sababo la xiriira walaac la xiriira khilaafka doorashada Soomaaliya.

Wargeyska ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaaday uu isku dayayo inuu maquuniyo doorashada isagoo dhinac u riixaya mucaaradka, islamarkaana u adeegsanaya ciidamada.

Xukuumada federaalka Somalia ayaan weli ka hadlin arrintan oo dhaawac halis ah u geysaneysa miisaaniyada dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -