Ku dhowaad 50 qof oo ku dhaawacmay dab ka kacay Magaalada Hargeysa (Sawirro)

Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhaawacmay Dab weyn oo ka kacay machadka culuumta diinta oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska ayaa si degdega uga hawlgalay waxayna sama tabixiyeen dhammaan dadkii, iyadoo la gaarsiiyay Isbitaalka weyn ee Hargeysa

Dhaawaca ayaa kala ahaa 40 dumar ah iyo 8 rag ah, waxaa sidoo kale dhaawacmay askari ciidanka Dab-demiska ka tiirsan, kaasoo samatabixinayay dadkaas sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay ciidanka dab demiska.

Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, duqa caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo Gudomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa ka hadlay dhacdadan, waxaanay guud ahaan wacyigelin ujeediyeen bulshadu inay dhismayaasha u sameeyaan meelo laga baxo hadii dab ka dhaco, waxaanay bogaadiyeen shaqada ciidanka Dab-demiska Somaliland u hayo bulshada.

Machadkan ayaa waxaa dhiganayay arday gaareysa 250 arday, kuwaasoo ku baranayay culuumta diinta, lamana sheegin illaa hadda sababta dhalisay dabkan oo loo malaynayo inuu ka dhashay Koronto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -