Ra’isul Wasaare Rooble iyo Janaraal Indhacadde oo isku arkay Hotel Jaziira (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xil gaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta tagay Hotelka Jaziira oo xarun u ah Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya kadib heshiiskii xalay lagu gaaray Hotelka Decale.

Booqashada Rooble ku tagay Hotelka Jaziira ayaa noqotay tii ugu horeesay uu hotelkaasi ku tago tan iyo markii xilka Ra’isul Wasaaraha loo magacaabay, waxa uuna Rooble Hotelka kula kulmay siyaasiyiin, culumo, waxgarad iyo dad kale oo hotelka ku sugnaa.

”Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho waqti kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka dhageystay aragtiyo ku aaddan xaaladda dalka.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa intii uu joogay hotellka Jaziira waxa ay isku arkeen Janaraal Indhacadde oo dhawaan Muqdisho ka sheegay in dowlad aysan jirin taa oo dowlada mar marsiiyo uga dhigatay Weerarkii Musharaxiinta lagu qaaday.

Rooble iyo Janaraal Indhacadde ayaana la sheegay in uusan dhax marin kulan dhaafsiisan salaan iyo is aragti, waxa ayna arintan kusoo aadeysa xili mudooyinkii dambe warkiisa la waayay Janaraal Indhacadde oo gacan saar la lahaa Musharaxiinta Mucaaradka.

Ra”isul Wasaare Rooble ayaa booqashada uu galabta ku tagay Hotelka Jaziira lagu sheegay mid dhoolo tus siyaasadeed ah kadib heshiiskii xalay uu Hotelka Decale kula gaaray Midowga Musharaxiinta mucaarad oo saldhig ay ku shiraan u ah Hotelka Jaziira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -