Allbanaadir.com
NEWS

Xafiisyo cusub oo loo sameenayo Guddiyada ugu shaqada badan Golaha Shacabka (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa maanta kormeer ku sameeyay xafiisyo loo sameenayo qaar kamid ah Guddiyada Golaha Shacabka.

Xafiisyadan cusub ayaa loo sameenayaa Guddiyada ugu shaqada badan ee Xildhibaanada Golaha Shacabka, si loo dar dar galiyo shaqooyinka ay qabtaan Guddiyada ay leeyihiin Golaha Shacabka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo kormeer ku sameeyay xafiisyada cusub ee la dhisayo ayaa dalbaday in si deg deg ah loo dhameestiro qalabeynta iyo dhismaha xafiisyadan.

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa qorsheenaya in la der dergaliyo shaqooyinka Baarlamaanka , waxaana mudooyinkii lasoo dhaafay aad u yaraa kulamada Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Shaqooyinka ay qabtaan Guddiyada Golaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Caan ah oo la afuraya qaar kamid ah Shacabka dalkiisa oo dhibaateesan

Cabdi Cade

Mahdi Guuleed: “Guddigii doorashada 2016 waxaa ku jiray xubno Xasan Shiikh la taliyeyaal u ahaa”

Caydiid Ali

Madaxtooyada Somalia oo bilowday qorshe yaab leh iyo qaraxii ka dhacay Tixsiile oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---