Qaar kamid ah Diyaaradaha Caalamiga oo Hakiyay Duulimaadyadoodii Muqdisho

Qaar kamid ah Shirkadaha caalamiga ee duulimaadyada ku imaan jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa hakiyay duulimaadyadii ay ku imaan jireen magaalada Muqdisho kadib markii khalalaasihii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay caasimada.

Shirkadda duulimaadyada Turkish Airline , Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ayaa hakiyay duulimaadyo la filayay in beri oo sabti ah ku yimaadaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Rakaabkii goostay tkidhada ay shirkadahan ku imaan lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa lagu wargaliyay in la hakiyay duulimaadyadii Muqdisho, waxaana hakinta duulimaadyada sabab looga dhigay khalalaasihii xalay iyo maanta ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho waxaa xalay iyo saakay ka dhacay iska horimaadyo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada balse kala taabacsan Villa Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta, waxaana maanta garoonka ku dhacay hoobiye aan la ogey halka laga riday.

Shirkadaha diyaaradaha Caalamiga ayaana ka cabsi qaba in amaanka caasimada faraha ka baxo gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo meelo aan ka fogeyn degan yihiin inta badan Midowga Musharaxiinta ee kasoo horjeeda taliska Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -