Allbanaadir.com
NEWS

Haweeneydii Ugu Horreysay ee Afrikaan ah oo Hoggaanka u Qabatay Ururka WTO

Marwo Ngozi Okonjo-Iweala oo labada jeer soo noqatay wasiirka maaliyadda dalka Nigeria ayaa taariikhda gashay kaddib markii ay ku guuleysatay hoggaanka Ururka Ganacsiga Addunka “WTO – World Trade Organization.” Marwadu waa haweeneydii ugu horreysay ee Afrikaan ah oo loo xusho inay hoggaamiso hay’adda addunka u qaabilsan xeerarka ganacsiga.

Dayrtii dhoweed ayaa Agaasimihii Guud ee hay’addaas Roberto Azevedo oo u dhashay Brasiil si lama filaan ah shaqadiisii uga tagay sanad ka hor dhammaadka xilhayntiisii (August 31, 2020). Agaasimaha waxaa ka careysiiyey khilaafka ganacsi ee sii kordhayay ee u dhaxeeya quwadaha waaweyn ee dhaqaalaha.

Jagada waxaa u tartamay ilaa siddeed waddan, balse waxaa iskugu soo haray Marwa Ngozi Okonjo-Iweala oo u dhalatay dalka Nigeria iyo Marwa Yoo Myung-hee oo u dhalatay dalka Konfurta Kuuriya. Ururka oo la aasaasay 1995 weligiis ma hoggaamin dumar ama qof Afrika ka soo jeeda.

Marwo Ngozi Okonjo-Iweala oo ah dhaqaaleyahan wax ku baratay dalka Mareykanka heysatana dhalashadiisa, qofka labaad ka ahayd hoggaanka Bankiga Adduunka, weliba taageero ka haysatay 104 dal oo xubnaha ka ah Ururka Ganacsiga Addunka ayaa jahwareer ku abuurtay ka dib markii Maamulka Madaxweyne Trump uu diidmo dhuldhiggay.

Sida warbaahinta sheegtay, asbaabta diidmada waxay ku saleysneed dhowr arrimood: (1) Shakiga uu ka qabo Marwa Ngozi Okonjo-Iweala oo fikir ahaan aad ula safan kuwa caalamiga ah (internationalists); (2) Shakiga uu ka qabo hoggaamiyaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus oo u dhashay Afrika iyo; (3) Xakamaynta saamaynta Shiinaha ee qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka Itoobbiya, Kenya, Nigeria iwm.

Ururka waxaa u qorsheysnaa in November 9, 2020 la ansixiyo musharraxa ay isku raacsan dhammaan xubnaha, balse diidmada Mareykanka inuu ku biiro aqlabiyadda ayaa qasabtay in dib loo dhigo xulashada ilaa doorashada madaxtooyada Mareykanaka ay ka dhammaato. Khaskhashaadda maamulka Trump ayaa qayb ka ahayd ciyaarta awoodda caalamka.

February 5, 2021 ayaa Marwa Yoo go’aansatay inay iskaga harto tartanka markii ay muuqatay inuu Trump uusan soo laaban doonin, taas oo maamulka Madaxweyne Joe Biden u fududeysay inuu ku dhawaaqo in Washington ay taageero xoog leh u fidinayso musharraxa Nigeria.

Marwo Ngozi Okonjo-Iweala oo ka mid ah 100ka haweenka adduunka ugu awooda iyo saameynta badan, ayaa diiwaanka taariikhda loogu daray inay noqotay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Addunka “WTO,” jagadaas oo aan weligeed qof Afrikaan ah amase haweenay soo marin.

W/Q Burhan Rooble

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbullah oo fulisay weerar dil iyo dhaawac loogu geystay ciidamada Israel

Caydiid Ali

Dowlada oo soo saartay Digniino la xiriira fatahaadaha iyo daadadka roobka Guga (Akhriso)

Cabdi Cade

Xog ku saabsan shaqsiga loo badinayo in loo magacaabo Raisul Wasaaraha Somalia

Caydiid Ali