Kenya oo qaadatay go’aan cusub kadib markii Maxkamada ICJ soo diiday codsigeydii

Maxkamada caalamiga ee ICJ ayaa dhawaan soo diiday dalab dowlada Kenya ku codsaneysay in dib loogu dhigo dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo loo balansan yahay 15-ka bisha Maarso ee sanadkan.

Dowlada Kenya ayaa hada aqbashay in ay ka qeyb gasho dhageysiga dacwada badda ee loo balansan yahay, waxaana masuuliyiin katirsan dowlada Kenya laga soo xigtay in dacwada uga qeyb galayaan hab maqal iyo muuqaal ah.

”Maadaama aynu katirsanahay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, waan ku gowracanahay in aan ka qeybgalno oo aan u hogaansano amarka maxakamadda”, ayuu yiri masuul katirsan dowladda Kenya .

Kenya ayaa dooneysay in mar kale dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, waxa ayna Kenya maxkamada u gudbisay qoraal ay kusoo bandhigtay cudur daar kuna dalbaneysay in dhageysiga maxkamada dib loogu dhigo.

Dowlada Soomaaliya ayaa ka biyo diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya, waxa ayna dowlada sheegtay in diyaar u tahay ka qeyb galka dhageysiga dacwada badda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -