Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Riek Machar & danjiraha Somalia ee K/Sudan oo qodobo Muhiim ah ka wada hadlay (Sawirro)

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfurta Sudan Xuseen Xaaji Axmed ayaa kulan kula qaatay magaalada Jubba Madaxwayne ku xigeenka kowaad ee dalkaas, Riek Machar.

Kulankan ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo labada shacab iyo siddii loo sii horumarin lahaa iskaashiga ka dhexeeya

Kulanka dhex maray Danjire Xuseen iyo madaxweyne ku xigeenka K/Sudan Riek Machar ayaa sidoo kale looga hadlay xaladda ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku ku nool iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha heysta

Labada masuul ayaa isla faaqiday sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool u-heli lahaayeen ka warqabka iyo daryeelka ay u baahan yihiin iyo kaalinta ay ka qaadan karaan horumarka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Kenya oo ciidankeeda kala baxeysa Soomaaliya xili Xiisad Siyaasadeed ay jirto

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliys oo si adag uga hadashay Weerar ciidamada Kenya ka fuliyeen gobolks Gedo

Cabdi Cade

Guri gubtay oo lagu iibinayo lacag gaareysa 3-Milyan oo Dollar !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---