Maxay Kenya ka tiri go’aankii Maxkamada ICJ ee kiiska badda Somalia?

Kenya ayaa war ka soo saartay go’aankii ay Maxkamadda cadaaladda Adduunka (ICJ) ku diiday codsigeedii ahaa in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya.

Macharia Kamau oo ah Xoghayaha joogtadda ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegay iney diyaar u yihiin ka qeyb galka dhageysiga dacwaddaas, aysan Kenya Guuldaro u arkin go’aanka maxkamadda.

Xoghayaha joogtadda ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa mar kale ka digay inaan meesha laga saari karin halista cudurka Covid-19 inkastoo Maxkamada ICJ ay sheegtay in dhegeysiga dacwada uu u dhici doono qaab Online ah

Madasha Dhageysiga dacwadda waxaa loo ballansan yahay 15-19 Maarso, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay diidmo ay ka muujisay in dib loo dhigo dacwada badda markii afaraad, taasoo ay Kenya dooneysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -