Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo fariin cusub u diray Madaxda DF iyo dowlad goboleedyada

Mareykanka ayaa farriin kale u diray Madaxda Soomaalida, isagoo ku booriyey inay xaliyaan caqabadaha horyaalla Heshiiska doorashada ee 17-kii September 2020.

Qoraal oo soo baxday wax-yar kadib markii Beesha caalamka ay ka digtay inaan dib loo dhigin shirka lagu baaqay 15-ka Febraayo, iyadoo cudurdaar laga dhigayo isku tuurtuurka goobta lagu qabanayo shirka.

“Waxaan ku boorineynaa hogaamiyaasha inay xaliyaan arimaha looga dooday shirkii Dhuusamareeb, ayna waqti kooban ku qabtaan Doorashada iyadoo la fulinayo heshiiskii 17-ka September” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Mareykanka oo farriintiisa ku wajahay Madaxweyaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraalka kasoo baxay sairka Donald Yamamoto ku yiri: “Waxaa la joogaa waqtigii la muujin lahaa hoggaan rabitaan leh oo jihadiisu caddahay iyo midnimo lagu wajaho, si loogu dhaqaaqo waxa u wanaagsan Soomaaliya”.

Soomaaliya ayaa ku jirta marxlada adag oo kala guur, waxaana dhamaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee madaxda DF, iyadoo aan weli heshiis buuxa laga gaarin hanaanka doorashada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Agaasime Cusub oo loo magacabay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Cabdi Cade

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo Warbixin cusub soo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Maxaa ka soo baxay kulankii ay maanta isugu yimaadeen golaha Wasiirada Somalia? (Daawo Sawiro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---