Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamiye Burcad dhibaato ku hayay Soomaalida kunool Koonfur Afrika oo la xiray

Ciidamada booliiska gobolka Estren Cape ee dalka Koonfur Afrika ayaa gacanta ku dhigay hogaamiye koox burcad ah oo dhibaato badan ku hayay Soomaalida ku ganacsata deegaanka Motherwell .

Soomaalida kunool deegaanka uu ka howlgalayay hogaamiyahan burcada oo lacago baad ah ka qaadan jiray ganacsatada Soomaaliyeed mararka qaarna dilal iyo dhac u geesan jiray ayaa booliiska ku wargaliyay ninkan dhibka uu ku hayo.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool deegaanka Moherwell iyo guud ahaan gobolka Estren Cape ayaa soo dhaweeyay qabashada hogaamiyan burcada ee dhibaatada badan ku hayay ganacsatada Soomaaliya.

Qabashada Hogaamiyahan burcada ayaa kusoo aadeysa xili shalay kaliya magaalada P E lagu dilay sadex muwaadin oo Soomaali ah halka mid kalana lagu dhaawacay , waxa ayna dilalkaan cabsi badan ku beereen Soomaalida kunool dalka Koonfur Afrika.

Deegaanada Soomaalida kunool Koonfur Afrika ganacsiyada ku leeyihiin waxaa ka howlgala kooxo burcad ah oo mudooyinkii dambe bilaabay in lacago baad ah ka qaadaan dukaamada , waxa ayna kooxahan mararka qaarna dilaan Soomaalida iyaga oo sidoo kale dhac u geesta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Danab oo qabtay Madaxii dilalka Qorsheesan u qaabilsanaa Al Shabaab

Cabdi Cade

Maamulka G/Banaadir oo ka jawaabay eedeyn ka soo yeertay Ururka Jaamacadaha

Caydiid Ali

Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo ka dooday ajende xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---