Muwaadin Soomaaliyeed oo si arxan daro ah loogu dilay Magaalada Cape town

Muwaadin Soomaali ah ayaa xalay lagu toogtay duleedka magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika sida ay sheegayaan wararka dalkaas naga soo gaaraya

ALLAHA u Naxariistee C/llaahi Max’ed Xuseen (Cadde Ceeblaawe) ayaa waxaa dilay rag burcad madow ah oo ku weeraray dukaankiisa oo ku yaalla Tuulada Delft oo ka tirsan Magaalada Cape Town.

Booliska dalka Koonfur Afrika oo gaaray goobta ayaa baaritaan aan natiijadiisa waxba lafa fileynin sida ay sheegeen Soomaalida halkaas ku nool.

“Sagaal xabadood ayey ku dhufteen marxuumka ka dibna wey baxsadeen, wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, Jimcaha ayaana la aasi doonaa” ayuu yiri mid ka mid ah masuuliyiinta jaaliyada Soomaalida ee ku nool dalkaas.

Boqolaal Soomaali ah ayaa 20-kii sano ee la soo dhaafay lagu dilay dalka Koonfur Afrika, waxaana inta badan dadkaas naftooda dhaafiyey burcad u dhalatay dalkaas oo sidoo kale booba hantida dadka ay dilaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -