Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Jubbaland oo la doortay (Sawirro)

Xildhibaanada Baarlamanka Jubbaland ayaa goor dhow doortay Gudoomiye cusub oo hogaamin doona afarta sano ee soo socota ka dib codbixin ka dhacday Magaalada Kismaayo.

Doorashada waxaa isku soo taagay labo Musharax oo kala ah Sheekh Cabdi Maxamed iyo Xuseen Shiinow.

Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa noqday guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ka dib markii uu helay 55 cod halka musharaxa la tartamayey uu helay 18 cod oo kaliya.

Xuseen Shiinow oo ah musharaxa laga guuleystay ayaa u hambalyeeyey Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa noqday guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland, isagoo sheegay inuu ku qancay qaabka looga guuleystay.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamanka Jubbaland ayaa waxaa loo doortay Aadan Khaliif Xaaji iyadoo guddoomiye ku xigeenka labaad loo doortay Cabdi Baalley Cismaan, ma jirin cid tartantay labadoodaba waxaa loogu codeeyey gacan taag.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nabadoon Axmed Jaamac Qalyar oo u geeriyooday Dhaawacii loo geestay

Cabdi Cade

Axmed Karaash: “Anigaa la wareegay xilka Madaxweynaha dowlada Puntland”

Caydiid Ali

Xildhibaan cusub oo Baydhabo lagu doortay iyo Musharaxii la tartami lahaa oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---