Musharax looga guuleystay doorasho oo dib ula laabtay gaadiid uu ku deeqay

Haweeney ka tirsan golaha Wasiirada dowladda Uganda ayaa dib ula laabaty gawaarida gurmadka degdeg ah oo ay ugu deeqday dadka ku nool magaalada Kaboko oo ku taalla waqooyiga dalkaas kaddib markii ay ku guuldareysatay doorashada is reeb-reebka ee xisbiga haya talada sida ay ku warrantay warbaahinta Daily Monitors.

Wasiirka arrimaha maalgashiga Evelyn Anite ayaa bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay baraha bulshada ku baahisay muuqaal ku saabsan iyadoo gaariga gurmadka degdeg ah guddoonsiineyso Maamulka dowladda hoose ee degaanka.

Mrs. Evelyn Anite waxay xilliggaas sheegtay in gaariga loogu talagalay in Isbitaallada uu daabulo carruurta, haweenka iyo dadka da’da ah ee xaaladaha deg deg ah ay la soo dersaan.

Hase ahaatee duqa Magaalada Kaboko Wilson Sanya ayaa xaqiijiyay in gaariga gurmadka degdeg ah ay dib ula laabatay wasiirka markii looga guuleystay doorashada, taasoo la yaab ku noqotay dadka degaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -