Beesha caalamka oo fariin u dirtay Madaxda Soomaalida ee ku shirsan Dhuusamareeb

Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay shirka u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowad Goboleedyada ee ka socda Dhuusamareeb.

“Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan wada hadalada socda ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Dhuusamareeb ka socda

Waxay ku booriyeen ka qeyb galayaasha shirka inay sii wadaan wada xaajoodka.

“Waxaa la joogaa xilligii la gaari lahaa is wada-ogol, si loo hirgeliyo heshiiskii 17 September ee doorashooyinka” ayaa lagu yiri Qoraal la soo dhigay Twitterka UNSOM.

Madaxda Soomaalida ayaa ku shirsan Dhuusamareeb, iyadoo la filayo iney xal ka gaaraan khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -