Qareenadii Difaacayay Donald Trump oo dhabarka xijiyay iyo Walaac lasoo darsay Trump

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka ayaa wajahaya eedeymo dambiyo culus oo kamid yihiin in uu soo abaabulay sidoo kale dhiiro galiyay weerarkii taageerayaashiisa ku qaadeen aqalka Koongareeska Mareykanka.

Qaar kamid ah qareenadii dacwadaha loo heesto Trump ka difaacayay ayaa si iskood ah uga tagay shaqadii loo igmaday, waxa ayna Qareenadan qaarkood sheegeen in iyagu go’aansadeeen in ay ka tagaan difaacida Trump.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa ku warantay in garyaqaanada Greg Harris iyo Johnny Gasser si iskood uga baxeen kooxdii difaaceesay Trump, waxaa sidoo kale iyana ka tagay Trump Butch Bowers iyo Deborah Barberi oo ahaa garyaqaano caan ahaa.

Xildhibaanada aqalka sare ee Mareykanka ayaa u codeyn doono 8-da Febraayo  in Trump lagu soo oogo iyo in kale dacwad ah in uu huriyey rabshadii 6-dii bishan ay taageerayaashiisa ku qabsadeen dhismaha Aqalka Congress-ka, taa oo sababtay dhimasho.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahiyay in garyaqaanadan ka caroodeen hadaladii Donlad Trump ku diiday natiijada doorashada kuna shaaciyay in doorashada looga guuleestay lagu shubtay.

Donald Trump iyo kooxdiisa ayaa la sheegay in lasoo daristay walaac xoogan oo ku aadan qareenada ka tagay, waxa ayna kooxda raadisay qareeno kale oo Trump ka difaaca dacwadaha culus ee loo heesto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -