Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo ka hadashay Maxaabiistii la geeyey Muqdisho

Somaliland ayaa sheegtay in sii deynta maxabiista ay ku qabteen dagaalkii Laascaanood ay mar walba raaci doonaan hab-raacyo isla markana ay horey qaar ka mid ah ay u siidaayeen.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Yoonis Axmed Yoonis la hadlay ayaa sheegay in maxaabiista ay dhankooda hayaan ay siideyn doonaan marka ay isku afgartaan dadkii ay tahay inay kala hadlaan.

Dhanka kale Somaliland ayaa sheegtay in ay walaac ka qabto xaaladda Maxaabiis laga sii daayey Magaalada Laascaanood oo lagu hayo Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Yoonis Axmed ayaa ugu baaqay Dawladda Soomaaliya in ay Maxaabiista ay hayso ku wareejiso Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha Maxaabiista sida ICRC, iyada oo raacayso shuruucda caalamiga ah.

Yoonis ayaa dhanka kale sheegay in maxaabiistaasi aysan qaar kood ahayn askar balse ay ahaayeen dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah oo laga “afduubay” deegaanada bariga Sool.

Related posts

Xildhibaano 100 ka badan oo ka hor yimid Xil ka xayuubintii Abiib

Caydiid Ali

War cusub oo ka soo kordhay lacagtii lagu qabtay garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---