Midowga Musharaxiinta oo Digniin adag u diray Madaxweyne Farmaajo

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay magacaabista Guddiga doorashada ee soo magacaabeen maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Baaqa Maamulada Puntland iyo Jubbaland ee ku aadan in la isugu yimaado shir deg deg ah si xal wadar ogol ah looga gaaro khilaafka doorashada ka taagan.

Musharaxiinta ayaa uga digay mar kale Madaxweyne Farmaajo in uu qabto doorasho hal dhinac ah, waxa ayna ugu baaqeen Farmaajo in uu qaato kaalin masuuliyadeed si xal loogu helo caqabadaha taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -