Allbanaadir.com
NEWS

Sudan iyo Yuhuuda oo kala saxiixday heshiisyo cusub oo xasaasi ah

Wasiirka arrimaha sirddoonka Israa’iil Eli Cohen ayaa booqasho aan la shaacin ku tegay magaalada Khartuum ee dalka Sudan.

Eli Cohen ayaa wadahadalo la yeeshay wasiirka gaashaandhigga Suudaan, kuwaasoo lag faaqiday sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiska ay wada gaareen sanadkii lasoo dhaafay ee dib loogu soo celiyay xiriirka Suudaan iyo Israa’iil.

Afhayeen u hadlay Israa’iil wuxuu sheegay in Mr. Cohen iyo Wasiirka Gaashaandhigga Sudan Jen. Yaasin Ibraahim ay kala saxeexdeen heshiisyo ku saabsan xiriirka diblumaasiyadeed, aminga iyo dhaqaalaha.

Sudan ayaa ka mid aheyd dalal carbeed oo sanadkii hore xiriir diblomaasiyadeed la yeeshay Yuhuuda, ka dib markii uu cadaadis kaga yimid Madaxweynihii xilka ka degay ee Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ka carooday talaabo ay qaaday kooxda Taliban

Caydiid Ali

Ganacsatada Jaadka Kenya oo keenay Qorshe cusub ay jaadka kusoo galin karaan Somaliya

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay duqeyntii maanta ka dhacday Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---