Wasiir Xundubey oo amar Iiyo digniin siiyey taliyeyaasha amniga Muqdisho

Wasiirka amniga gudaha ee Xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Xaaji ayaa maanta kulan la qaatay taliyeyaasha Booliska degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ka dhacay xaruunta Taliska Booliiska Soomaaliyeed ee Muqdisho, waxaana looga hadlay dardargalinta amniga magaalada.

Wasiirka amniga ayaa saraakiisha amniga faray wax ka qabashada falalka amni darro ee soo kordhay iyo inay mas’uuliyad iska saaraan amniga magaalada Muqdisho sidii loo xoojin lahaa.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Xaaji ayaa sheegayn in saraakiisha amniga lagula xisaabtamayo falalka amni daro ee ka dhaca degmooyinka ay masuulka ka yihiin.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen dilal iyo qaraxyo loo geystay mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -