Nin Sabab Layaab leh ugu dhax noolaa garoon Diyaaradeed mudo sadex bil ah

Nin la sheegay cabsi uu ka qabo cudurka Koroona dartiis ayaa muddo saddex bilood ah ku dhex noolaa garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Chicago isagoo aanan la ogaan, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha Mareykanka.

Aditya Singh, oo 36 jir ah ayaa la xiray Sabtidii kaddib markii mid kamid ah shaqaalaha garoonka uu ka codsday in uu tuso aqoonsiga ah in uu ka shaqeeyo halkaas.

Wuxuu markiiba tusay kaar aqoonsi ah oo loo maleynayo in uu horey lahaa maareeyaha maamulka ee garoonka kaas oo kaarkiisa aqoonsiga waayay bishii Oktoobar.

Booliska waxay sheegeen in Mr Singh uu garoonka yimid xilli uu saarnaa diyaarad ku wajahneyd Los Angeles 19-kii bishii Oktoobar.

Waxaana lagu soo warramayaa in uu helay kaarka aqoonsiga shaqaalaha garoonka isla markaana uu ka cabsaday in uu tego gurigiisa Koroona dartii, sida ay sheegayaan saraakiisha.

Waxaana la sheegay in ninka uu ku noola waxyaabaha ay siiyaan rakaabka diyaaradaha.

Waxaana lagu soo oogay dacwad la xiriirta dambi ah in uu si sharci darro ah ugu dhex noolaa goob ammaankeedu adag yahay iyo falal xatooyo ah, waxaana laga mamnuucay garoonka waa haddii uu bixin waayo damaanad lacageed oo gaareyso $1,000.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -