Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo loo Gudbiyey Warqadda Cayimaada Qabsoomida Doorashooyinka (Sawirro)

Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo gudbiyey warqad sumaddeedu tahay Tix: KDQ/XK/002/2021, taas oo ujeeddadeedu tahay cayimaadda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee 2021.
 
Xubnaha komishanka doorashooyinka oo si rasmi ah u soo gebogebeeyey wejigii labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, ayaa sida sharcigu qorayo madaxweynaha usoo gudbiyey warqad ay ku cayimeen maalinta, bisha iyo sannadka ay doorashooyinka wakiillada iyo deegaanku qabsoomi doonaan, taas oo u qorshaysan 31/05/2021, si uu madaxweynuhuna ugu soo saaro wareegto rasmi ah.
 
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay dedaalka ay geliyeen dhammaystirka wejiga labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyaasha, waxana uu caddeeyey inuu ka madaxweyne ahaan diyaar u yahay oo ay ka go’an tahay sidii uu taageero buuxda u siin lahaa inay doorashadu ku qabsoonto wakhtiga ay komishanku u cayimeen, islamarkaana uu hawshaa doorashada muhiimad gaar ah siinayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,
 
“Waxa inoo ballan ah inta doorashadaasi Illaahay idambkii ay nabad inoogu dhammaanayso inaynu dhammaan hareeraha ka joogno, waannu idin garab joogaynaa, hawsha waannu idinla wadanaynaa, dhibaatooyinka idin haysta, hawlaha iyo culaysyada ay leedahay waannu idiin tixgelinaynaa, wixii aannu idin la qaban karnonna waannu idin garab taaganahay.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen RW Khayre & Mss. Federica Mogherini? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Bangiga Itoobiya oo shaaciyay magacyada dad badan oo aan soo celin lacago ay…

Cabdi Cade

Dambiile Wajiga bedeshay si weyna loo raadinayay oo Gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---