Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Trump oo soo saaray War aan looga baran oo dad badan ka yaabiyey

Madaxweyne Trump ayaa cambaareeyey qalalaasihii Arbacadii ay dad careysan oo taageerayaashiisa ka mid ah ku weerareen dhismaha Capitol ee magaalada Washington.

Isagoo u hadlayay si ka duwan maalmihii hore, ayuu sheegay in dibad-baxayaasha ay meel uga dhaceen dimoqraadiyadda Mareykanka.

Trump oo hadaladiisa debecesan ay ka yaabiyeen dad badan ayaa sidoo kale sheegay inuu ku hawlan yahay xil wareejin sharciga ku saleysan.

Wuxuu sheegay in maamulka cusub la caleemo saari doono 20-ka bishan Janaayo, wuxuuna ku baaqay isu uur-fayoobi iyo dib u heshiisiin.

Muuqaalka uu soo duubay ayaa waxaa lagu baahiyay bartiisa Twitter-ka oo mar kale loo fasaxay ka dib markii laga mamnuucay ka dib weerarka dhismaha Capitol.

Talaabada uu qaaday Trump ayaa muuqata inuu isaga qaboojinayo carada ka dhalatay weerarkii taageerayaashiisu ku galeen xarunta aqalka Congresska Maraykanka oo uu ka socday kulan lagu ansixinayey guusha Joe Biden.

Xildhibanada labada Aqal ee mucaaradka ku ah Madaxwyenaha ayaa ku baaqay in xilka laga xayuubiyo Trump ka dib weerarkii ka dhacay dhismaha Capitol Hill, kaasoo sababay dhimashada afar qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Alper AktaÅŸ (Sawirro)

Cabdi Cade

Muqdisho oo loo sameenayo biyo mareeno si toos ah biyaha Roobka ugu shubaya Badda (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaabiis caawa laga soo dejiyay Muqdisho iyo R/W Kheyre oo soo dhaweeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---