Axmed Madoobe oo ka digay Mudo kororsi kana hadlay Matalaada Gobolka Banaadir

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo xalay ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka.

Axmed Madoobe ayaa ku eedeyay dowlada federaalka Soomaaliya in ay ku tumaneyso dastuurka dalka u yaala, waxa uuna sheegay in dowlada hada bilowday in ay dadka iska hor keento.

Waxa uu sheegay dowlada hada jirta in ay ku timid garab istaaga iyo taageerada xukuumadihii ka horeeyay, waxa uuna ka digay Madaxda dowlada in ay xiligan ku fekeraan mudo kororsi .

“Madax banaanida Soomaaliyeed waxaa udub dhaxaad u ah waynaynta iyo ilaalinta dastuurka dalka u dagan. Dawladda Federaalka ee haatan taagan waxay ku timid garab istaag iyo taageero ay ka heshay xukuumadihii ka horeeyay. Sidaa darteed ma aha in uu madaxda haatan haysa xilka ma aha in ay hunguriyeeyaan mudo korodhsi dastuurka ka hor imanaysa oo aan sharci ahayn,” madaxwayne Axmad Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale ka hadlay matalaalada gobolka Banaadir ee xildhibaanada golaha Shacabka ogolaadeen in aqalka sare laga siiyo 13-xubnood, waxa uuna xusay in Caasimada u baahan tahay in ay hesho waxa ay u qalanto .

“Banaadir waa caasimadii Qaranka waxaana in badan ku dadaalnay in la qeexo maqaamka caasimadda iyo in la siiyo matalaad shacabka ku dhaqan. Waxay caasimaddu u baahantahay in ay hesho waxa ay u qalanto mana aha in aan la dooranin madaxda matasha oo mar walba loo soo magacaabo duqa magaalada. In waji qabiileed loo sameeyo su’aasha matalaadda caasimadda waa arrin iska hor keenaya shacabka Soomaaliyeed. Waxa la isku hayo waa in arrinkan loo maro wadada saxda ah iyada oo la ixtiraamayo dastuurka dalka u dagan,” madaxwayne Axmad Maxamad Islaam.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xili wali aan xal laga gaarin khilaafka xoogan ee maamulkiisa kala dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya , waxaana shaki hada la galinayaa qabsoomida kulan Farmaajo ku casuumay Madaxda maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -