Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cabdi Xaashi oo beeniyey in laga heshiiyey khilaafkii Guddiga doorashada G/Woqooyi

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa beeniyay wararka sheegaya in heshiis laga gaaray Guddiyada Doorashada Somaliland ee dowladu magacowday.

“Runtii waan maqlayey warar meelaha la wareejinayo oo sheegaya in 4 xubnood la iga siiyay Guddiga, waxaas waxba kama jiraan, mana aqaan meel ay ka keeneen, ciddii sheegtay ayaa la weydiinayaa” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo u warramay warbaahinta Muqdisho qaarkood oo arintaas

Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in Garowe lagu gaaray is-afgarad guud oo ku saabsan in reer waqooyigu isku yimaadaan oo heshiis laga gaaro arrimaha Doorashada iyo cidda u metelaysa Guddiyada, taasina aysan weli bilaaban.

“Kaliya waxaa Garoowe lagu gaaray in laga hadlo wixii khilaafaad ah ee jira, lana xaliyo, marka aan ku soo laabano Muqdisho, balse illaa hadda arrintaas ma dhicin” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo qorshe yaab leh u dejiyey dagaalka Xuutiyiinta

Caydiid Ali

DEG DEG: Qarax ismidamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Dagaal saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---