Madaxweyne Qoor Qoor iyo James Swam oo arimo muhiim ah kawada hadlay

Madaxweynaha dowlad goboleedkla Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan.
 
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka qaranka iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
 
Qoor Qoor ayaa sidoo kale la filayaa in magaalada Muqdisho inta uu joogo la kulmo wakiilo kale oo katirsan Beesha Caalamka kuwaa uu intooda badan kala hadlayo khilaafka ka taagan Doorashada.
 
Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho ku sugan  ayaa la sheegay in ay goob joog ka noqonayaan heshiis Dowlada Federaalka kula saxiixaneyso Shirkado Shisheeye Xirmooyinka ceelasha shidaal ee laga baarayo Xeebaha Baraawe iyo Hobyo

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -