Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Qarax caawa ka Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Jugta qarax xooggan oo meelo badan laga maqlay ayaa caawa ka dhacay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo wararku sheegayaan inuu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa ka dhacay agagaarka xaruntii hore ee Wakaalada Madbacada Qaranka.

ciidamada amaanka dowlada somalia ayaa wax yar ka dib qaraxaas gaaray goobta, iyagoo xiray aaga qaraxu ka dhacay oo ay baaritaano ka wadaan.

Lama soo sheegin illaa hadda cid waxyeelo ka soo gaartay qaraxaas, mana cadda cida lala beegsanayey, iyadoo degmada Shingaani ay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga fiican Muqdisho.

Laamaha amaanka Muqidsho iyo Maamulka degmada Shingaani ayaan weli ka hadlin qaraxa caawa oo la aaminsan yahay iney ka dambeysay Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashada oo Meesha ka saaray in la hakinayo Doorashada Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir arrin Xasaasi ah looga hadlayay oo Turkiga ka furmay

Cabdi Cade

Madaxweyne Bashaar Al-Assad oo qoyskiisa kala baxay dalka Suuriya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---