Ingineero Turki ah oo dhimasho & dhaawac ku noqday qaraxii ka dhacay Lafoole

Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saaka qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa la eegtay Injineero Turki ah iyo shaqaalo dhisme ka waday wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa qoraal ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in afar ruux ay qaraxa ku geeriyoodeen, waxaana kamid ahaa Muwaadin Turki ah kaasoo ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda wada dhismaha wadada, halka afar kale oo Turkiga u dhashayna ku dhaawacmeen.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan foosha xun ee lagu bartilmaameedsaday shaqaalaha shirkad Turki ah oo ka tirsanaa shaqaalaha dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.Waxaan u rajeynaynaa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay, waxaan mar kale ku nuux nuuxsaneynaa inaan garab taaganahay saaxiibtinimada iyo walaaltinimada iyo dowladda Soomaaliya”. ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya islamarkaana ay sii wadi doonaan kaalmada Shacabka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah howlwadeenada Turkiga ee dhisaya wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana tan iyo markii wadadaas la bilaabay dhacay qaraxyo miino iyo kuwo loo adeegsaday gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, lamana oga saameynta uu weerarkan ku yeelan doono dhismaha wadadan oo heer gebogebo ah mareysa.

HOOS KA AKHRIQO QORAALKA KA SOO BAXAY DOWLADA TURKIGA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -