Maraykanka oo Al-Shabaab la furaya wadahadal ay garwadeen ka tahay Qatar

Sii-hayaha xilka Wasiirka Difaaca Mareykanka Cristofar Miller ayaa la sheegay in loo xilsaaray inuu bilaabo qorshaha wadaxaajood lala furo kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Ururka Al-qaacida ayna dowladda Qatar noqoto mid gogosha dhex dhexaadinta fidisa sida ay qortay Jariidada New York Times ee kasoo baxda dalka Mareykanka.

Madaxweynaha xilka kasii degaya Donald Trump oo magacabay wasiirka Difaaca Miller kadib markii Mark Isber Wasiirki hore ee Difaaca Mareykanka uu is casilay ayaa booqasho ku yimid Somalia waxaana uu la kulmay ciidamada Maraykanka ee caawinaya kuwa Soomaalida.

New York Times ayaa sheegtay in iyadoo ay jirto ka bixitaanka Ciidanka Mareykanka ee Somalia haddana Wasiir miller uu doonayo sii wadida wadahadal loo furo Xukuumada Somalia iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab kaasoo ay Qadar garwateen ka noqoneyso

La taliyaha amniga Qaranka Mareykanka Robert Obrin ayaa la tilmaamay inuu la socday safarkii uu Miller ku tagay magaalada Doxa oo arimaha wada xaajoodkaasi quseeya lagala hadlay Mas’uuliyiinta Doxa.

Miller ayaa la sheegay inuu yahay qof aan sidaa uu lahayn khibrad diplomasiyadeed oo lagu xalin karo arimaha sidaasi u waaweyn.

Kash Batel oo horey u soo noqday ku-xigeenka Kaaliyaha Madaxweynaha Mareykanka ee arrimaha la dagaalanka Argagexisada e Golaha amniga Qaranka ayaa soo dhoweeyay in Mareykanka uu hadda u jiheysto inuu wada xaajood la furo Al-shabaab waxaana uu tilmaamay inay suurtagal noqon karto in dowladda Qatar ay soo dhoweyso.

Maraykanka ayaa wadahadalo uu muddo dheer kula jiray kooxda Taliban ee dalka Afghanistan ka dib heshiis taariikhi ah la saxiixday kooxdaas, kaasoo ay garwadeen ka aheyd dowlada Qatar, waxaana la sheegay in Maraykanku uu haatan doonayo inuu sidoo kale wadahadalo ula furo Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -